golis

Barlamaanka Israel oo is Kala Diray iyo Doorasho Cusub oo la Qabanayo

Barlamaanka Yuhuuda ayaa u codeeyay in la kala diro xubnaha barlamaanka, kadib markii uu Ra’isul Wasaare Binyamin Netanyahu uu ku guuldaraystay inuu soo dhiso dowlad wadaag ah.

Kadib toddobaadyo wadahadalo guuldaraystay ayaa 74 xildhibaan waxay u codeeyeen in lakala diro Barlamaanka, doorasho cusubna la qabto, halka 45 xildhibnaan aya ka hor yimaadeen.

Binyamiin Netanyahu ayaa la filayay inuu markii 5aad noqdo Ra’isul wasaaraha Isreal kadib markii xisbgiisa Likud uu ku guulaystay doorashadii ka dhacday Israa’iil, iyagoo ka helay 35 xildhibaan barlamaanka oo 120 Mudane ka kooban, hase yeeshee wuxuu u baahnaa xisbi kale oo la wadaaga.

Guuldarada ku dhacday Netanyahu waxaa sabab u ahaa xisbiyadii uu isbahaysi lahaa oo kula aragti duwanaaday in ardaydu ay qaataan casharo iyo tababaro dhinaca milateriga

Dhinaca kale, Netanyahu ayaa hortegay in Madaxweynaha Isreal uu xisbi kale ka dalbado inuu soo dhiso xukuumadda, taasi bedelkeedana wuxuu doortay inuu dalka galiyo Doorasho, taasi oo loo mudeeyay inay dhacdo 17 bisha September 2019.

HORSEEDMEDIA