golis

Gollaha Wasiirada Cusub ee Koonfur Afrika oo Kala Bar Laga Dhigay Haween

Madaxweynaha Koonfurta Afrika ee dhowaan la dhaariyay Cyril Ramaphosa ayaa kala bar gollihiisa wasiirada, wuxuu ka dhigay haween

Tallaabo kale oo aad loola yaabay oo uu qaaday madaxweynaha koonfur afrika ayaa noqotay markii uu tirada gollaha wasiirada uu ka dhigay 28 wasiir, halka xukuumadii hore ay ka ahayd 36 Wasiir.

Haweenka uu magacaabay waxaa ka mid ah Patricia de Lille oo ka tirsan xisbiga mucaraadka ee Good Party. haweenaydan ayuu u magacaabay Wasiirka horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee koonfur Afrika.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa ballanqaaday inuu xidida u siibi doono musuqmaasuqa ka jira dalkaasi. iyadoo hore musuqmaasuq dartiis xilka looga qaado madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Gollaha wasiiradda cusub waxaa la dhaarinayaa galabta oo khamiis ah.

HORSEED MEDIA