golis

Gollaha wasiiradda Federaalka oo ka Dooday Isdhex-galka Dhaqaale ee Geeska Afrika

Gollaha wasiiradda Federaalka ayaa maanta ka dooday Barnaamij la xiriira Isdhex galka dhagaale iyo ganacsiga ee gobalka geeska Afrika.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’isul wasaare Kuxigeenka Soomaaliya, waxaa ka qayb galeen wasiirro kamid ah xukuumadda, waxaana looga dooday sida Soomaaliya ay u diyaarin karto mashaariic dalka faa’iido u leh dalalka geeska Afrikana ay ka faa’iidaysan karaan, maadaama uu jiro dadaal xooggan oo la doonayo in dalalku ka wada faa’iidaystaan is-dhex galka ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa diyaar garoow loogu jiro shir ay yeelanayaan wadamada gobalka oo lagu soo bandhigayo mashaariicda dalalku ay soo diyaariyaan ee faa’iidada u leh dhammaan bulshada gobalka.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan oo qayb ka ahaa wasiirrada shirka ka qayb galay ayaa sheegay in looga tashaday qorshaha ugu haboon ee Soomaaliya ay uga faa’iidayn karto is-dhex galka, wasiirradana la faray in ay ka fakaraan mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigayo shirka looga hadlayo is-dhex galka ee dalalka geeska Afrika.

HORSEEDMEDIA