golis

Hungary: 7 Qof oo Ku Dhintay Dooni ku Gadoontay Webiga Danube

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay, 19 kalena waa la laayahay ka dib markii dooni ay saarnaayeen ay ku gadoontay webiga Danube ee caasimadda wadanka Hungary ee Budapest, sida ay xaqiijiyay warbaahinta dowladda.

33 qof oo badankoodu ahaa dalxiisayaal ka yimid wadanka koonfurta Kuuriya ayaa saarnaa doonida oo ku dhacday Markab marayay webiga. Shilkan ayaa dhacay 10kii habeenimo xiliga dalkaasi. Doonida gadoontay ayaa lagu magacaabaa Hableany, waxaana loogu talagalay in markiiba qaado 45 qof.

Wasaaradda arrimaha dibada ee Koonfurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in la laayahay 19qof oo u dhashay wadankaasi, waxayna sheegeen in ay diyaraan koox Saraakiil

Webiga Danube, oo caan ku ah dalxiisayaasha ayaa roobab xoog leh oo da’ayay waxay kor u qaadeen biyaha webiga.

HORSEEDMEDIA