golis

Labo Qof oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Gobolka Nugaal

Tuulada libaaxa oo 90km u jirta caasimadda Puntland ee Garoowe waxaa xalay ka dhacay Shil gaari oo sababay dhimashada labo qof.

Baabuurkii ay wateen labada Marxuum oo dab qabsaday.

Shilkan waxaa uu ka dhashay ka dib markii baabuur nooca xamaamulka qaada oo ka yimid dhinca Garoowe uu dusha ka maray Baabuur yar oo wateen labada marxuum ee shilka ku dhintay oo kala ah  Mohamed Mohamoud Dirie Ali iyo Abdirashid Yasin. Dhalinyarad ayaa yimid dhinaca magaaladda Qardho

Shilkan ayaa sidoo kale sababay in dab qabsado gaariga yar, kadib u gudbay gaariga weyne.

Mohamed Mohamoud Dirie Ali 

Dhinaca kale, Roob ayaa shalay galab iyo xalay ka da’ayay degaanadda gobolka Nugaal oo ay ku jirto caasimadda Garoowe.

Marxuum C/rashiid Yaasiin

HORSEEDMEDIA 2019