golis

Masar; Suxufi La Sii Daayay Kadibna Dib Loo Xiray

Dowladda Masar ayaa dib u xirtay Suxufi Maxamuud Xuseen oo toddobaadkii hore la amray in xabsiga laga siidaayo ka dib markii uu xirnaa muddo labo sanno ah, sida uu xaqiijiyay qareenkiisu.

Suxufigan oo la xiray Sanadkii 2016kii ayaa u shaqaynayay telifishanka Aljazeera ee Dalkaasi Qadar, waxaana dowladda Masar ku eedeeysay inuu faafinayay warar been abuur ah oo ka dhan Masar.

Maxkamad ayaa toddobaadkii hore amartay in Suxufi Maxamuud laga soo wareejiyo xabsigii uu ku xirnaa, laguna xiro saldhig boolis inta laga fasaxayo, hase yeeshee waxaa mar kale la amray in dib loo xiro sida uu sheegay Jamaal Ciid oo ah qareenka u doodaya.

Suxufigan oo u dhashay wadanka Masar ayaa soo warami jiray Xiligii uu socday kacdoonkii Carabta ee xukunka looga riday madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak iyo sidoo kale xiligii milateriga ay mar kale xukunka ka tuureen madaxweyne Madaxweyne Maxamed Mursi oo haatan ku jira Xabsi.

HORSEEDMEDIA