golis

Shirweynaha Khaliijka iyo dalalka Carabta oo ka furmay Makkah

Waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada Makkah Al Mukarama ka furmay shirkan socon doona sadex maalmood oo uu Boqorka Sacuudiga isugu yeeray hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka iyo Jaamacada Carabta si ay uga tashadaan xiisada gobalka gaar ahaan dalka Iran.

Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay shirkan ku casumay Dowlada Qatar kadib xiriir toos ah oo dhexmaray Boqor Salmaanka Sacuudiga iyo Amiirka Qatar Tamim Al Thani oo isagu ka gaabsaday inuu shirkaasi tago, balse wafdiga Qatar ee maanta tagay Sacuudiga ayaa waxaa hogaaminaya Raysalwasaaraha Sheikh Abdullahi bin Nasser Al Thani.

Dowlada Qatar ayaa hada waan waan ka dhex-wada Iran iyo Maraykanka oo isagu ka codsaday xulafadooda Qatar inay qaboojiyaan xiisada taagan, balse macada in Sacuudiga iyo Imaaraatiga ay ogolaan doonaan kalsoonida uu Maraykanka siiyey Qatar, waxayse tahay markii ugu horeysay oo uu wafdi heer sare ah oo ka socda Qatar tago wadanka Sacuudiga tan iyo intii xayiraada la saaray.

Horseed Media