golis

Lix Qarax oo ka Dhacay Magaalada Kirkuk ee Ciraaq

Saraakiisha caafimaadka ee Ciraaq ayaa sheegay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen lix Qarax oo isxig-xigay oo ka dhacay magaaladda Waqooyiga Ciraaq ku taala ee Kirkuk.

Saraakiisha Ciidamada Amniga ayaa dhinacooda sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen ilaa 4 qof, dhaawacuna uu gaarayo ilaa 23 qof. Saraakiishu waxay intaa ku dareen in qaraxyada oo aad isugu dhawaa ay gilgileen magaaladda Kirkur Xalay Afurkii ka dib. Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha magaaladda, halkaasi oo dad badani isugu baxaan afurka kadib

Dowladda Ciraaq ayaa sanadkii 2017kii waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in dalkeeda ay ka sifaysay kooxdii Daacish ama ISS, kuwaaso qabsaday qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq. Hase yeeshee weli kooxdaasi waxay Ciraaq ku leeyihiin cunsuro isqariya, gaar ahaan dhinaca waqooyi ciraaq oo u badan yihiin Suniyiintu

HORSEEDMEDIA