golis

Maraykanka: 12 Qof oo Ku Dhintay Weerar ka dhacay Virginia

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay weerar jimcihii ka dhacay xarun dowladeed oo ku taal gobalka Virginia ee dalkaasi Maraykanka, weerarkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay ilaa 4 qof oo kale

Weerarkan ayay booliisku sheegeen inuu gaystay nin shaqaale ka ahaa Wakaalada korontada ee Verginia Beach City, kaasi oo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dadka ku sugnaa xarunta dowladda Hoose ee Virginia Beach

Ninka toogashada gaystay oo aan magaciisa la shaacin ayaa ku geeriyooday rasaas ay iswaydaarsadeen ciidamada Booliiska. Taliyaha booliiska Virginia James Cervera ayaa ku tilmaamay dilaaga inuu ahaa nin caraysan.

Weerarkan waxaa kaloo ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada booliiska gobolka Virginian

HORSEEDMEDIA 2019