golis

Wakiilkii Amniga ee QM Oo Lagu Dilay Koonfurta Galkacayo

Dablay hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay fiidkii koonfurta Galkacayo ku dilay Maxamed Cabdi Khayre oo ahaa wakiilkii dhinaca amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubaysan ay marxuumka toogeen xili uu ka soo baxayay masjid ku yaal galkacayo oo uu ku soo tukaday Salaadii Taraawiixda.

Ilaa iyo hadda ma cadda cida ka dambaysay dilka marxuumka, mana jirto koox sheegatay inayka dambeeyeen dilka Wakiilka. Sidii kale maamulka Galmudug weli kama hadlin dilka.

Waa dilkii labaad ee ka dhaca koonfurta magaaladda Galkacayo muddo bil gudaheed, iyadoo hore loo dilay taliyihii howlgalada ciidanka Xasalinti gobolka Mudug.

HORSEEDMEDIA