golis

Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka oo Booqday Wadooyinka Roobku Gooyay [SAWIRRO]

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiiladda PUNTLAND iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ayaa Saaka Gaaray Buundada Midi-gar oo wax yeelo ka soo gaartay Roobabkii Gu,ga ee da’aayey maalmihi la soo dhaafay.

Guddoomiye Cabdicasiis Cabdullaahi cismaan iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay soo indha indheeyeen xalaada ay Buundadu ku sugan tahay iyo guud ahaan khasaaraha ay roobabku gaysteen.

Guddoomiyhu wuxuu a ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadki iyo xoolihi ay wax yeeladu ka soo gaartay roobabki mudooyinkan ka da’aayey Puntland,Sido kale Waxa uu Dowlada Ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu hawl galaan Dadka iyo xoolaha ku tabaalaysan miyiga ay roobabku wax yeelada u gaysteen.

Roobab lixaad leh oo dhaliyay daadad ayaa sababay dhimashada ilaa 9 qof oo ay ku jiraan Caruur. waxaa roobabku ay sababeen in lix meelood ay ka go’do wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Bosaso, taasi oo sababtay in joogsado isusocodkii dadka iyo gadiidka.

HORSEEDMEDIA