golis

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Cafis u Fidiyay 120 Maxbuus.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa cafis u fidiyay 120 Maxbuus ciidadal Fidriga awgeed.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa ku kala jira xabsiyada Garoowe, Bosaso, Qardho iy Galkacayo. Maxaabiistaan ayaa u badan kuwo dambiyo fudud galay

52 maxbuus waxaa laga sii deynaya Xabsiga Garoowe
29 Maxbuus waxaa laga sii deynaya Xabsiga Bosaso
27 Maxbuus waxaa laga sii deynaya Xabsiga Qardho
13 Maxbuusna waxaa laga sii deynaya Xabsiga Gaalkacyo

HORSEEDMEDIA