golis

Xoolo Dhaqatada oo Loogu Baaqay Inay Ka Fogaadaan Togaga iyo Dhulka Biyo Fariisinka [DAAWO]

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa baaqday dadka reer miyiga ah inay ka guuraan dhulka togaga ah ama biyo fariisin ah si loo gaashaanto dhibaato ka timaadaa roobabka lixaadka leh ee ka da’aya degaamadda Puntland, roobabkaasi oo gaystay khasaar naf iyo maalba leh

Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha Cabdiweli Mire Xirsi oo shir jaraa’id qabtay ayaa amar kus iiyay guddoomiyayaasha gobolada, degmooyinka iyo taliyaasha ciidamada in dadka reer miyiga ah ka saaraan dhulalka biyo fariisinka leh.

“ Waxaa wasaaradda arrimaha gudaha waxay faraysaa dhammaan guddoomiyaha gobolada iyo degmooyinka iyo laamaha amniga in meelaha togaga ah ama biyo fariisinka ah, Ka saaran dadka reer Miyiga ah, Lana wacyigaliyo dadka,” ayuu yiri yiri Wasiirku.

Roobab lixaad leh oo da’ayay maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay fatahaado sababay waxyeelo soo gaarta qoyasaska reer miyiga xoolahooda, waxaana ku dhintay tiro dad ah oo u badan caruur, waxaa kaloo leeday xoolo tiro badan oo biyuhu la tageen. Sidoo kale, daadadka ayaa waxyeelo weyn gaarsiiyay wadada laamiga ah ee isku xirta Bosaso iyo Garoowe, taasi oo dhowr meelood ka go’aday.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa magacaabay guddi la tacaala dhibaatada ka dhalatay roobabka da’ay.

Wasaaradda Arrimaha Gudha Puntland oo Digniin Soo Saartay

Posted by Horseed Media on Sunday, June 2, 2019

HORSEEDMEDIA