golis

Donald Trump oo Booqanaya UK

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wadanka UK waxaa uga bilaabatay booqasho rasmi oo saddex maalmood ah

diyaarada Air Force on ee sida madaxweyne Trump iyo marwadiisa ayaa soo caga dhigtay garoonka Stansted Airport ee magaaladda London Saacada marka ay ahayd 09;00 subaxnimo xiliga london.

Trump, inta uu ku jiro booqashadiisa wuxuu la kulmi doonoa qoyska boqortooyada iyo Ra’isul wasaaraha xilka ka dagaysa ee Theresa May. arrimaha ay ka wadahadli doonaan ayaa la sheegay inay ugu muhiimsan tahay isbedelka cimilada adduunka iyo Shirkadda tiknooljiga casriga ah ee Shiinaha ee Huawei oo Maraykanku uu galiyay liiska madow.

Dhinaca kale, Dadka diidan siyaasadaha xagjirnimada ee Donald Trump ayaa qorshaynaya inay banaanbaxyo ballaaran ay ku qabtaan Magaalooyinka Manchester, Belfast, iyo Birmingham. 

Ka hor booqashada Trump uu ku imaanayo London, wuxuu wargayska The Sun ee ingiriiska u sheegay in taageerayo Boris Johnson uu noqdo ra’isul wasaaraha Britian ee soo socda, hadalkaasi oo ka yaabisay dad badan oo reer UK

HORSEEDMEDIA