golis

Puntland iyo Somaliland oo Kala Wareejistay Maxaabiis

Hay’adda ICRC ayaa Garoonka diyaardaha Cigaal ee magaaladda Hargaysa diyaar kaga soo qaaday 14 Maxbuus oo Somaliland ku qabatay dagaalkii Tukaraq, Maxaabiistan ayaa la keenay caasimadda Garoowe

ICRC waxay kaloo magaaladda Garoowe ka qaaday 3 Maxbuus oo ay hayeen Puntland, kuwasoo isla maanta la gaarsiiyay Magaaladda Hargaysa.

Somaliland ayaa si ballaaran u soo dhawaysay Saddex maxbuus ee Puntland ku soo wareejisay, Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka. 

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland , Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gashaandhiga iyo cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ayaa Madaarka Cigaal Intertional Airport ka anba bixiyey 14 maxbuus ee ay Puntland ka hayeen

Dhinaca kale, maamulka Puntland weli kama hadlin, Warna kama soo saarin maxaabiista lakala wareejistay sidoo kale Ma jirin soo dhaweyn iyo maamuus loo sameeyay 14 Askari.

HORSEEDMEDIA 2019