golis

Puntland oo Soo Dhawaysay Magacaabista James Swan

Madaxtooyada Puntland, ayaa soo dhawaysay magacaabista Ergayga Cusub ee Xoghayaha Qaramada Midoobay uu soo magacaabay Soomaaliya, Danjie James C Swan.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Qoraalka ka soo baxay puntland ayaa lagu sheegay in magacaabista Swan ay muujinaysa sida Qaramada Midoobay uga go’antaay in dadka Soomaaliyeed ka caawiso nabada iyo Barwaaqo

“Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni isagoo Wakiil ka aha shacabka Puntland, wuxuu hambalayo u diray Wakiilka cusub ee Qaramada midooba u soo magacowday Soomaaliya, Danjire James S Swadan” ayaa lagu yiri qoraalka.

” Dowladda Puntland waxay si buuxda ugala shaqayn doontaa Xafiiska Qaramada midoobay hadafyadooda iyo howlahooda Soomaaliya” ayaa la raaciyay

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay oo hore u ahaa Dimplamaasi Maraykanka ah, ayaa Bedelay wakiilkii hore oo dowladda Federaalka ay kalsoonida kala laabatay iyagoo sheegay inaysan wadashaqayn karin.

HORSEEDMEDIA