golis

Karaash: Nabad Ma Dhacaysa Inta Somaliland Haysato Dhulka Puntland [DAAWO]

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) oo maanta shacabka caasimadda Garoowe salaada ciida kula oogay garoonka Mire Awaare ayaa u hambalyeeyay ummada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweynu ku xigeenka ayaa u hambalyeeyay Askartii iyo saraakiishii dhawaan ka soo goosatay maamulka Somaliland, Ciidamadaasi ayaa ku biiray Puntland. Waxaa uu sheegay inuu rajaynayo in gobolada kale ee Puntland ay ku daydaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka hadlayay Xaaladda gobolka Sool oo ku jira gacanta maamulka Somaliland, waxaa uu sheegay in aan nabadi suurtagal ahayn inta ciidamada muuse biixi haystaan gobolkaas, isagoo ugu baaqay inuu dib ugu laabto xuduudihiisa.

“ Muuse biixi wuxuu leeyahay Nabadgelyo ayaan rabaa, Reer Barigu waxay yiraahdaan waa la tahay, inta uu dalkeena Puntland ku jiro, Aa La tahay baan leeyahay, Ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaan leeyahay xuduudaadi tag haddaad nabad doonayso, Nabad waan rabnaa weligeena waa rabnay” ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka

Dhinaca kale, Axmed karaash wuxuu sheegay in Puntland ay leedahay cadow badan, waxaana ugu baaqay shacabka inay ciidamada amniga gacan kaa siiyaan sidii nabadgelyada loo sugi lahaa.

Khudbadiisa waxaa kaloo uu kaga hadlay khasaarihii ka dhashay roobabkii dhowaan ka da’ay degaanka Puntland, kuwasoo waxyeelo xoog leh u gaystay wadooyinka waaweyne ee isku xiran magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Waxaa uu sheegay in Dowladdu ay doorkeeda qaadanayso oo deg deg u bilaabayso hagaajinta wadooyinka Go’ay.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay ay maamulada Puntland iyo Somaliland ay maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalkii Tukaraq ay kala wareejisteen. Somaliland ayaa dhinaceeda soo dhaweyn iyo maamuus weyn u samaysay saddex askari oo Puntland sii daysay.

Axmed Karaash: Nabad Ma Dhacaysa Inta Somaliland Haysato Dhulka Puntland [DAAWO]

Posted by Horseed Media on Tuesday, June 4, 2019

HORSEEDMEDIA 2019