golis

Kenya: Labo Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka dhacay Mandheera

Labo qof ayaa ku dhintay, tiro kale waa ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray degaanka Mandheera Ciidamada Kiiniya iyo maleeshiyaadka Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada Waqooyi bari Mohamed Birik ayaa xaqiijiyay dagaalka, waxaana uu sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen askari ka tirsan booliiska kaydka iyo nin la rumaysan inuu ka tirsan yahay Alshabaab

Wuxuu sheegay in howlgal amni oo ay sameeyeen Ciidamadu lagu bartilmaameedsaday meelo ay isku qarinayeen maleeshiyaadka Alshabaab, waxaa uu sheegay inay baxsadeen Alshabaab dhaawac ah.

Sida ay sheegeen Saraakiisha kenaya , Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka soo gudbay xuduuda Somaliland iyo kenya, si ay weeraro ugu qaadaan fariisimaha ciidamada Keyna, haseyeeshee ay ciidamo heleen xogo la xiriira weerarkaasi oo ay ka hortagaan.

Dagaal culus oo saqdii dhexe ee Habeenkii Isniinta dhacay ayaa la rumaysan yahay in khasaare xoog leh uu dhaliyay, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada Kenyaha

Halka dagaalku ka dhacay oo lagu mgacaabo Fiino ayaa 6km u jirta xuduuda Kenyan iyo Somaliya.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo labo maalmood ka hor, ciidamo ka tirsan Booliiska kenya ka badbaadeen Qarax miino oo Alshabaab dhigeen wado dhinaceeda degaanka Mandheera.

HORSEEDMEDIA