golis

Kenya oo 66 Qof oo Somali ay Ku jiraan Masuuliyiin Ka Mamnuucday Dalkeeda

Wargayska labaad ee ugu weyn wadanka Kenya ee Standard ayaa warbixin uu maanta daabacay waxaa uu ku sheegay in dowladda Kenya ay dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan 66 qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan masuuliyiin Sarsare ee Dowladda Federaalka Ka Tirsan.

Fahad Xaaji yaasiin Daahir, ku xigeenka Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya

Wargayska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in shakhsiyaadka liiska ku jira ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Federaalka, Xildhibaano, mid ka mid ah Ra’isul Wasaarayaashii hore iyo Ku-xigeenka hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed Fahad Yaasiin iyo sidoo kale madaxda shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya

Fahad Yaasiin oo ah nin aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maxkamada ku taala dalkaasi Kiiniya waxaa ka taala dacwad la xiriirta sida uu ku helay Passporka wadanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa xayiraado dhowr ah ku soo rogtay Soomaaliya, iyadoo joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, Fiisihii Dal kugalka ee ay siin jirtay madaxda iyo shaqaalaha Soomaalida iyo sidoo kale Alaabihii ka imaan jiray soomaaliya ee laga soo dejin jiray Garoonka Jomo Kenyata ee Nairobi.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Cambaaraysay tallaabooyinka dowladda Kenya ay qaaday, hase yeeshee ma jiro tallaabo lidi ku ah ficilada Kenya oo ay samaysay.

Soomaaliya iyo kenya waxaa u dhexeeya muran la xiriira xuduuda dhinaca badda. Maxkamada Caalamiga ee Hague ayaa waxaa taala dacwad la xiiirta murankaasi oo Dowladda Somaliya gudbisay, taasi oo dhammaadka Sanadkan la filayo in go’aan laga soo saaro.

HORSEEDMEDIA