golis

Muuse Biixi oo Khudbadiisii Ciida Kaga Hadlay Dhibaatooyinka Ka Jira Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shacabka hargaysa kala qaybgalay munaasabada ciida Fidriga ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu si gaar ah diiradda ugu saaray dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda yaalla ee ay kamidka yihiin dagaallo-beeleeddada soo noqnoqda, shilalka gaadiidka iyo cunista qaadka oo mushkilad weyn ku ah horumarka nololeed ee bulshada iyo ta qarankaba, waxana uu uga digay inay ka waantoobaan dhibaatooyinkaas.

Wuxuu bulshada xasuusiyey qiimaha ay nabaddu leedahay, isaga oo usoo jeediyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii loosoo qaban lahaa, meelna looga soo wada jeesan lahaa cid kasta oo dil ula kac ah u geysata qof kale oo muslim ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxaynu isku dardaaraynaa oo naftu u baahan tahay waa nabad, nabadduna sidii Ilaahay yidhi waxa kow ka ah in qofka naf islaam ah ku dila gardarro iyo badheedh in dambiilaha lasoo qabto oo la isugu tago oo wixii Ilaahay xukunkiisa u qoondeeyey la mariyo, waxaynnu isku dardaaraynaa dhammaanteen in qofkii qof ku dila camdi iyo kibir inaynnu gacan kusoo wada qabanno oo wixii kitaabkaa Ilaahay inoo soo dejiyey uu ku xukumay aynnu marinno.”

Salaadda Ciidul-fidriga kaddib, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybo kamid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo isugu jira dhallinyaro, waayeel, haween iyo carruur, kuwaas oo uu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed waqti la qaatay.

HORSEEDMEDIA