golis

Trump oo beeniyey aflagaado uu u geystay mid kamid qoyska Boqortooyada UK

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ay u bilaabatay maalintii labaad oo uu booqasho rasmi ah ku joogo magaalada London ayaa beeniyey hadalo aflagaado ah oo uu la beegsaday haweenayda uu qabo mid kamid ah amiirada dalkaasi oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Maraykanka.

Meghan Markle oo ah xaaska Amiirka Harry ayaa horey u sheegtay Trump inuu yahay cunsuri xiligii uu ololaha doorashada ku jiray, Trump oo arrintan wax laga weydiiyey kahor intuusan imaan London ayaa wareysi uu siiyey jariirada The Sun ku tilmaamay Meghan Markel “….Nasty Woman…” – “…Haweenay dhaqan xun…”

Inkastoo markii danbe uu Trump bartiisa Twitterka ku qoray inuu warkaasi been yahay (Fake News), hase yeeshee jariirada The Sun ayaa shaacisay hadalkiisii (Cajal cod ah oo laga duubay) oo dhameystiran.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale bartiisa Twitterka ku aflagaadeeyey Duqa Magaalada Sadiq Khan oo ah nin muslim ah, kadib markii uu duqa sheegay in Trump uu astaan u yahay khatarta kooxaha cunsuriyiinta ah ee caalamka kusii xoogeysanaya.

Trump iyo wafdiga balaaran oo uu hogaaminayo oo ay ku jiraan dhamaan qoyskiisa ayaa shalay kulan la yeeshe qoyska boqortooyada, waxaana xalay loo sameeyey casho sharaf.

Maanta ayaa lagu wadaa inuu Trump kulamo la qaato siyaasiyiinta dalkaasi oo ay ugu horeyso Raysalwasaaraha todobaadkan xilka ka degaysa ee Theresa May, xili la isu diyaarinayo inay magaalada London ka dhacaan banaanbaxyo looga soo horjeedo imaanshaha hogaamiyaha Maraykanka.

Horseed Media