golis

Maraykanka oo Weerar Cirka ah Ku dilay Dagaalyahano Daacish ah

Diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee Marayknka ayaa Duqeeyay degaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland.

War ka soo baxay taliska ciidammada mareykanka ah ee jooga afrika ee Africom ayaa faah faahiyay duqeymahaasi,waxaana ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Daacishta ku  jirta dhulka buuralayda deegaanada Puntland.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in weerarkaasi cirka ah lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Daacish, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Cali Bari ee Puntaland.

Mareykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu joogteeyo weeraradaasi,ilaa la soo afjaro waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee ku sugan Soomaaliya.

Weeraro dhinaca cirka ah oo labadii bilood ee u dambeeyay, Maraykanku ka fuliyay degaanada Puntand ayuu ku dilay tiro maleeshiyaadka Daacish oo uu ku jiro Ku-xigeenkii Daacish.

HORSEEDMEDIA