golis

Sudan: 40 Maydad oo laga Soo Saaray Webiga Nile

Ilaa 40 qof oo mayd ah ayaa laga soo saaray wabiga Nile ee caasimadda Sudaan ee Khartuum kadib markii Ciidmada milaterigu ay xoog u adeegsadeen shacab u mudaharaadayay inay helaan dowlad rayid ah.

Dakhaatiir la shaqaysa mucaraadka Suudaan ayaa sheegay in tirada dadka milaterigu laayeen ilaa maalintii isniintii ay haataan gaarayaan 100 qof

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada sida milateriga u tababaran ee Janjaweed ay gaafwareegayaan Caasimadda, ciidamada ayaa ah kuwa loogu cabsi badan yahay.

Gollaha milateriga Suudaan ayaa ballanqaaday inay baarayaan dadka la laayay.

HORSEEDMEDIA