golis

Tirada Dadkii Ku Dhintay Rabshadihii Suudaan oo Korodhay

Tirada dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada caasimada ah ee Khartuum ayaa la sheegayaa inay haatan gaartay 60 Qofka, halka dhaawaca uu gaarayo boqolaal.

Militariga Suudaan ayaa maalintii isniintii ee toddobaadkan rasaas furay dadka mudaharaadayay oo joogay Fagaaraha ku yaal banaanka wasaarada gaashaandhiga Suudaan ee Magaaladda Khartuum.

Ciidamada sida milateriga u tababara ayaa gaafwareegayaa wadooyinka caasimadda Suudaan, si ay xoog ugu muquuniyaan mudaharaadayaasha.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada wadanka Sudan ayaa ku guuleysan waayey inay soo saaraan qaraar ku aadan dalkaasi kadib markii wadamada China iyo Ruushka ka horyimaadeen in golaha arrintaasi qaraar kasoo saaro..

Milateriga ayaa ku dhawaaqay inay muddo 9 bilood gudahood ay ku qaban doonaan doorasho guud iyagoo joojiyay wadahadaladii ay la lahaayeen xisbiyada mucaraadka iyo bulshada rayidka ee Suudaan.

HORSEEDMEDIA 20019