golis

IRAN oo u mahadnaqday dowlada QATAR

Madaxweynaha dalka Iran Xassan Rouhani oo Arbacadii shalay khadka telefonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim ayaa sheegay in lasii xoojin doono xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Rouhani oo munaasabada ciida telefonka kula xariiray hogaamiyaha Qatar ayaa sheegay inuu soo dhaweenayo siyaasada dalka Qatar iyo in la hagaajiyo xiriirka dalalka jaarka ah isagoo sheegay in Iran aysan dooneyn inay wax dagaal ah la gasho dalalka Khaliijka ee jaarka la ah.

Xiriirka hogaamiyayaasha Iran iyo Qatar ayaa kusoo beegmay kadib markii ay dowlada Qatar diiday Bayaankii kasoo baxay shirkii asbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Makah Al Mukkaram ee dalalka Carabta & Khaliijka oo qoraalkii laga soo saaray si adag loogu cambaareeyey waxa loogu yeeray “Faro-gelinta Iran” ku heyso dalalka Carabta.

Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa iyaguna todobaadkan si weyn u dhaliilay diidmada Qatar ay diiday inay taageerto Baaqii iyo Bayaankii laga soo saaray shirkii ka dhacay Sacuudiga oo ay ka qeyb galeen wafdi ka socday Qatar oo uu hogaaminayey Raysalwasaaraha dalkaasi.

Horseed Media