golis

Koox ka tirsan ISIS oo dad ku dilay dalka DRC

Wararka kasoo baxaya dalka D.R.Congo ayaa sheegaya in kooxda la baxday ADF ee ka tirsan Daacish ay askar iyo shacab ku dileen magaalada Beni oo ku taal waqooyi-bari wadankaasi qaniga ku ah macdanta.

Kooxaha taageera Daacish ayaa iyagu sheegtay inay dileen ugu yaraan 25 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada DRC, walow uu maamulka magaaladaasi sheegay in 13 qof oo shacab ah ay dileen kooxdaasi weerarka soo qaaday.

Gobalada Waqooyi-bari ee dalka D.R.Congo ayey muddooyinkii danbe kusii xoogeysanayeen dagaalada u dhaxeeya kooxaha hubeysan iyo ciidamada dowlada oo ku loolamaya macdanta dhulkaasi laga soo saaro, xili deegaanadaasi laga soo sheegayo inuu ku faafay cudurka Ebola.

Horseed Media