golis

Nin 10 sanno Alshabaab ka Tirsanaa oo Dowlada federaalku Qabatay

Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen Cutubyo ka tirsan Ciidanka federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa waxay ay ku soo qabteen xubin dhinaca sirdoonka u qaabilsanaa Alshabaab

Ciidamada ayaa Gacanta kusoo dhigay,  Ibraahim Lujende Maxamed, oo ka mid ahaa Koox ilaalo u ahayd Alshabaab oo ku dhuumaaleysanaysay degaanno ku dhow Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Ibraahim Lujende, ayaa sheegay in muddo 10 Sano ah uu u xirnaa Al-Shabaab laguna qasbay shaqada jaajuusnimada iyo xog uruurinta ah ee uu u hayay kooxda

Cabdi xukun, oo ka tirsan Saraakiisha qaybta 43-aad ee Ciidanka xoogga Dalka ayaa sheegay in Ninkani uu ka mid ahaa koox Afar ah, Laba ka mid ihina ay Hubeysnaayeen, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Uruuurinta xogaha, balse Saddexdii kale ay ka baxsadeen kuna raad joogaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in , Ibraahim Lujende, uu ka qeyb qaatay weerarkii ay Al-Shabaab 2015-kii ku qaadeen Saldhig Ciidan oo ay Ciidamada Amisom ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

HORSEEDMEDIA