golis

Puntland oo Ka Joojisay Gawaarida In Habeenkii ku Safraan Wadada Garoowe- Bosaso

Madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cisaan Karaash oo maanta ka qaybgalay munaasabad dib loogu furayayay wadada halbowlaha ah ee isku xirta gobolada dalka ayaa soo dhaweeyay go’aan habeenkii baabuurta lagaga joojinayo inay maraan wadada.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Gollaha wasiirada Puntland

Go’aankan oo ay so saareen guddiga dowladu u saartay inay dib u dhisaan wadada laamiga ee roobarku waxyeeleeyeen, ayaa ah mid habeenkii gawarida la joojiyo, maadaama wadadu ay ka bur-burtay dhinacyada, taas oo khatar u keeni karta shacabka gawaarida ku safraya.

Dhismaha Wadada ayaa la dhamaystiray afar meelood oo wax yeelo xoogle ay soo gaartey, waxayna inta shaqada laga qabtay u dhexeysaa Garoowe, Sin-ujiif iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal, iyadoona la fasaxay gaadiid badan oo dhowrkii maalmood ee u danbeeyay halkaasi ku xanibnaa.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ammaan iyo mahadnaq u jeediyey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka oo ku guulaystey 24 sacadood inay ku furaan wadada, Shirkadaha iyo Shacabka ka qayb qaatay.

HORSEEDMEDIA