golis

Wadanka Suudaan oo Laga Saaray Xubinimada Midowga Afrika

Golaha Amaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba la hakiyay xubinimada wadanka Suudaan ee midowga afrika.

Golluhu wuxuu sheegay in xubnimada Suudaan la soo celin karo oo kaliya marka la dhiso oo xukunk lagu wareejiyo xukuumad rayid ah.

” Gollaha amnigu iyo nabada wuxuu Suudaan ka joojiiyay in ka qaybgasho dhammaan howlaha ee midowga afrika, inta laga soo dhisayo xukuumad rayid ah, taasi oo ah wadada kaliya ee lagaga gudbi karo mushkilada ka taagan wadankaasi” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta twitterka ee ururka.

Ciidamada Sudan ayaa howlgal ay sameeyeen maaalintii Isniintii waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan 40 qof oo meydadkooda shalay laga soo saaray wabiga Nile ee mara caasimada Khartuum. howlgalkaasi oo si weyn loo cambaareeyay.

Midowga Afrika oo ka kooban 54 wadan ee Qaarada Afrika, ayaa go’aan noocan oo kale ah ka qaatay wadamo badan oo qaarada ku yaal si ay ka hortagaan Inqilaabyada ka dhaca wadamada Afrika.

HORSEEDMEDIA 2019