golis

Weeraradii lagu qaaday Militariga Masar ee gobalka Sinaay

Maleeshiyaad hubeysan ayaa arbacadii weeraro ku qaaday goobo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowlada Masar ee waqooyiga gobalka Sinaay.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa shalay xaqiijisay in ugu yaraan 8 askari looga dilay weeraradii ka dhacay nawaaxiga magaalada Al Cariish.

Illaa iyo hada lama yaqaan cida ka danbeysay weeraradan lagu soo beegay xiliga ciida iyo dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Militariga Masar ayaa bilowgii sanadkii tagay sheegay inay bilaabeen hawlgal balaaran oo ay gobalka Sinaay uga sifeenayaan xoogaga hubeysan oo qaarkood xiriir laleh kooxda Daacish, balse sanad kadib bilowgii hawlgalkaasi ayaa waxaa gobalkaasi weli kasii socda weerarada joogtada ah oo intooda badan lala beegsado goobaha ay ciidamada ku baaraan gaadiidka.

Horseed Media