golis

Abiy Ahmed oo La Kulmay Gollaha Milateriga Suudaan iyo Mucaaradka

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Socdaal nabadayn ku tegay wadanka Suudaan ayaa la kulmay gollaha milateriga Suudaan oo maamula Dalkaasi.

Ujeedka socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa ah sidii uu dhexdhexaadin lahaa milateriga iyo Ururada bulshada rayidka Suudaan ee ka soo horjeeda xukunka Milateriga

Abiy Ahmed, ayaa la kulmay Madaxa gollaha milateriga Suudan Gen Cabdifataax Al-Burhaan, iyagoo ka wadahadlay sidii dib loogu bilaabi laha wadahadalada milateriga iyo mucaraadka.

Abiy Ahmed oo la kulmaya Mucaraadka Suudaan

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaruhu wuxuu isla maanta la kulmay mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah oo dalbanayay in la dhiso dowlad rayid ah, iyagoo diiday go’aankii milateriga ee ahaa in 9 bilood gudahood lagu qabto doorasho.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay howlgal ciidamada Suudaan ay ku kala eryeen shacab banaanbaxyo ka dhigayay caasimadda Khartuum dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Gollaha amniga midowga Afrika ayaa shalay hakiyay xubinimadii Suudaan ee ururka midowga Afrika ilaa iyo inta laga dhisayo dowladda rayid ah .

HORSEEDMEDIA