golis

Karaash oo Amray in Qiimayn Guud Lagu Sameeyo Waxyeelada Roobabki Gaarsiiyeen Wadada Laamiga

 Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka ayaa amar ku bixiyay in qiimayn guud lagu soo sameeyo waxyeelada roobabku gaarsiiyeen wadada Laamiga ee Garoowe-Bosaso iyo Garoowe- Laascaanood.

Guddigan oo ka kooban gollaha wasiirada iyo hay’adaha kale dowladda Puntland ayaa ka shaqaynayay waxkaqabashada waxyeeladii fatahaadaha Roobabkii da’ay ay gaysteen, kuwaas oo tan iyo markii la magacaabay Juun 02 2019 shaqo badan ka qabtay waddooyinkii go’ay.

“Kulanka oo uu shir Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenku waxaa la isla wadaagay xogta ilaa iyo haatan waxyaabihii qabsoomay, sida waxlooga qabtay waddooyinkii roobabku gooyeen oo loo sameeyey waddooyin qaab dhismeed kumeel gaar ah leh, si isu socodka gaadiidku si toos ah ugu socdo” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu bogaadiyey dedaalada wax ku oolka ah ee ay qabteen guddigu iyo siday har iyo habeenba ugu heelanyihiin u adeegidda shacabkooda, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan shaqadaasi, ayna joogteeyaan kormeerka waddooyinka.

HORSEEDMEDIA 2019