golis

Labo Ka Mid Madaxda Mucaaradka Suudaan oo Xabsiga La Dhigay

Ciidamada amniga Suudaan ayaa xiray labo ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaraaradka, kadib markii ay kulan la yeesheen Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo jimcihii shalay tagay magaaladda Khartuum.

Ciidamadu waxay xabsiga dhigeen Maxamed Cismat iyo hoggaamiyah dhaqdhaqaaqa xoraynta shacabka waqooyiga Suudaan (SPLM-N) Ismaaciil Jalab

Cismat ayaa la xiray wax yar ka dib markii uu kulan la yeeshay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Halka Hoggaamiyaha SPLM laga soo xiray gurigiisa maanta oo sabti ah sida ay soo warisay wakaaladda Wararka ee AP.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka degay Magaaladda Khartuum ayaa la kulmay gollaha Milateriga Suudaan xukuma iyo Mucaaradka Diidan xukunka Milateriga, waxaa uu isku dayay inuu dib u bilaabo wadahadaladii milateriga iyo Mucaraadka oo gebi ahaanba istaagay si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalkaasi ka jira.

113 qof ayaa dhintay ka dib markii Milaterigu ay xoog ku kala eryeen shacab u banaanbaxayay in awooda iyo maamulka Suudaan lagu wareejiyo dowlad rayid ah. Milateriga ayaa joojiyay wadahadaladii ay la lahaayeen Mucaaradka iyagoo ku dhawaaqay in 9 bilood gudahood lagu qabto doorasho, taasi oo iyana diideen Mucaraadka iyo bulshada rayidka Suudaan.

HORSEEDMEDIA