golis

USA: Maxkamada 12 Sanno Ku Xukuntay Askari Soomali ah oo dilay haweenay u dhalatay Australia.

Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Booliiska gooblka Minnesota ayaa lagu xukumay 12 sanno iyo lix bilood oo xabsi ah, ka dib markii maxkamadi ku eshay inuu dilay haweenay u dhalatay dalka Asutralia sanadkii 2017.

Askari Maxamed Nuur

Maxamed Nuur ayaa rasaas ku furay haweenayda lagu magacaabi jiray Justine Damond, oo ahayd 40 sano jir u dhalatay dalka Australia, haweenaydaasi ayaa iyadu u yeeratay Booliiska iyadoo sheegtay in gurigeeda hortiisa uu ka dhacayey fal danbiyeed, balse booliiska ayaa markii ay goobta yimaadeen xabad ku riday haweenaydan oo ay ka shakiyeen.

Bishii hore ayaa Xeer beegti loo saaray kiiskan waxa ay sheegeen in Askariga si khaldan ku dilay haweenaydaasi, isla markaana laalay dooda Qareenka difaaca,

Justine Damond

Nuur ayaa noqonayaa Sarkaalkii u horreeyay ee booliiks Minnesota oo lagu helo inuu qof dilay isagoo ku guda jira shaqadiisa boolisnimo, waxaa kaloo uu noqonaya askarigii u horreeyay ee loo xiro dilka qof cadaan ah.

Maxamed oo 33 jir ah, xabsigiisuna u bilowday Jimcihii ayaa raali galin k a bixiyay Dilka Mawo Damond.

Soomaalida Maraykanka oo ka mudaharaadaya xukunka Askari Nuur

Qaar ka mid ah bulshada Soomaalida Maraykanka ee gobolka Minisoto ayaa ku dooday in kiiska Nuur loola dhaqmay si ka duwan booliiska Cadaanka ee dila dadka madow ee Maraykanka.

HORSEEDMEDIA