golis

Amar Diido Dadweyne Oo Ka Socota Suudaan iyo Boqolaal Qof oo la Xirxiray.

shaqo joojin iyo amar diido dadweyne oo ay ku baaqeen Ururada mucaraadka iyo bulshada rayidka ee dalkaasi Suudaan ayaa maanta si rasmi ah u hirgashay caasimadda Khartuum iyo magaalooyin kale.

Amar diidka dadweynaha iyo shaqo joojinta oo bilaabatay maanta oo Axada ayay mucaraadku sheegeen inay socon doonto ilaa inta milaterigu uu xilka ku wareejinayo dowladda rayid ah. iyagoo ujeedkoodu yahay in milateriga ay ku adkaato in dalka uu Maamulo.

Milateria ayaa xabsiga dhigay boqolaal qof oo ka shaqaynayay bangiyada, xarumaha korontada iyo garoonka diyaaradaha ee Khartuum, kuwasoo shaqo joojin sameeyay.

Sidoo kale Ciidamada amniga Suudaan ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa waxay u adeegsadaan mudaharaadayaal gubayay taayiro, islamarkaana geedo iyo dhagaxyo ku gooyay wadooyinka muhiimka ah ee Khartuum

Dhinaca kale, Ku-xigeenka gollaha milateriga, islamarkaana ah Taliyaha Ciidamada Janjaweedka General Maxamed Xamadaas Dagalo ayaa digniin u diray banaanbaxayaasha, isagoo sheegay inuusan aqbali doonin fowdo la galiyo dalka.

Ilaa 113 qof oo mudaharaadayaal ah ayaa lagu dilay howlgal milaterigu ay ku doonayeen inay ku kala eryaan banaanbaxayaal fadhiyay banaanka hore ee Wasaaradda gashaandhiga Suudaan muddo labo bilood ah. dadka dhintay ayaa qaarkood maydadkooda laga soo saaray Webiga Nile ee caasimada Khartuum mara.

HORSEEDMEDIA