golis

Axmed Karaash oo Booqasho aan La Shaacin Ku Tegay Gobolka Bari

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo waftii uu hoggaaminayo ayaa safar aan hore lo sii shaacin ku tegay gobolka Bari ee Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo waftigiisa oo waqti kooban ku hakaday degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo ay la kulmeen masuuliyiinta degmada iyo odoyaasha.Waxaa la filayaa in Madaxweynuhu la kulmo Saraakiisha iyo ciidamada kal duwan ee Puntland ee ku sugan gobolka Bari.

Magaaladda Bosaso, waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland C/samad Galan iyo taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse.

Booqashada madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmaysa iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta ay soo faarujiyeen degaanka Af-urur, halkaasi oo la wareegeen ururka Alshabaab.

HORSEEDMEDIA