golis

Dawlada Hoose ee Qardho oo soo bandhigtay shirkadaha ku guuleystay Fulinta Mashaariicda 2019.

Dawlada Hoose ee Degmada Qardho ayaa soo bandhigtay 3 Shirkadood oo ku guuleystay mashaariicda JPLG ee sanadkaan 2019 laga fulinayo magaalada Qardho kuwaas oo isugu jira laba wado oo laami ah, midkood waxa uu mari doonaa wadada suuqa wayn ee magaalada, halka kan kalena uu mari doono xaafada kaambo gaar ahaan wadada uu ku yaal hoolka shirarka dawlada hoose qardho iyo Shirkada WXKU eeneeye iyo dhismaha dayr loo dhisayo xarun ay dawladu leedahay.


fulinta mashaariicdaan yaa waxaa ku guuleystay shirkadaha kala ah DURDUR, JUBA iyo NIMCAAN kuwaas oo tartan ay galeen kusoo baxay, GUURE FAARAX oo ah sarkaal ka tirsan dawlada hoose ayaa ugu horayn sharaxay habka ay u mareen tartanka ay galeen shiradahaan iyo sida ay ugu guuleysteen fulinta mashaariicdaan 3daas Company.


Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan waxa uu faray masuuliyiinta shirkada ku guuleystya fulinta mashaariicdaan in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u bilaabaan dhismaha, sidoo kalena waxa uu fariin u diray shirkado iyo shaqsiyaad dawlada hoose ku dhaliilay in ay hab musuqmaasuq ah u maamushay tartanka shirkadaha, Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in cidii tabasho qabta ay timaado cafiiska dawlada hoose lagana qancin doono waxa ay ku guuldaraysatay.


Qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha ee ku guuleystay mashruucaan waxayna sheegeen in sida ay tahay uga soo dhalaali doonaan, waqtiga ugu dhawno fulinta mashaariicdaas ay ku bilaabi doonaan. Gabagabadii waxaa halkaas lagu kala saxiixday heshiis u dhaxeeya madaxda dawlada hoose iyo masuuliyiin ka socday shirkadaha ku guuleystay fulinta mashaariicda sanadkaan 2019.