golis

Mali: Dagaal beeleed lagu dilay in ka badan 100 qof

Weerar xalay ka dhacay tuulo ku taal bartamaha dalka Mali ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah, tuulada la weeraray ayey degenaayeen Qawmiyada Dogon.

Lama yaqaan cida ka danbeysay weerarkan lagu gubay tuuladan, balse deegaankaasi ayey muddooyinkii danbe ka socdeen dagaalo u dhaxeeya Qawmiyadaha Dogon iyo reer guuraaga Fulani ee iyagu ka yimid dalka ay jaarka yihiin Burkina Faso.

Qawmiyada Dogon ayaa horey dagaal ugu qaaday reer guuragaa Fulani ee xoolahooda lasoo galay dalka Mali, waxayna weeraro horey ugu dileen dad kasoo jeeda Qawmiyada Fulani oo kamid ah kuwa ugu balaaran ee ku nool Galbeedka Afrika.

Bishii Maarso ee sanadkan ayaa weerar la rumeysan yahay inay ka danbeeyeen Dogon lagu dilay in ka badan 157 qof oo u dhashay Qawmiyada Fulani.

Horseed Media