golis

Muqdisho: Francisco Madeira Oo La Kulmay Madaxda Federaalka

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira, ayaa kulamo gooni gooni ah shalay la yeeshay Madaxweynahaa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka.isagoo kala hadlay dowrka AMISOM ay ka ciyaareyso xasilinta Soomaaliya ka dib markii dhowaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore dabayaaqadeedii qaatay go’aanka ah 2472 kaas oo waqti kordhin loogu sameeyay howlgalka AMISOM,waxaana Golaha ammaanka uu ansixiyay in 1000-askari laga dhimo tirada AMISOM ee ka howlgasha Soomaaliya si waafaqsan Qorshaha Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya oo si tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

“Dhammaanteen waxaan isku raacnay in AMISOM xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Soomaaliya si ay gacan uga geysato soomalaiya dadaalkeeda ah in la xasiliyo dalka lana ciribtiro Al-Shabaab. Dadaallada wadajirka ah waa in ay sii socdaan, Al-Shabaab waa in la xakameeyaa, “ayuu Ambassador Madeira ku sheegay wareysi uu bixiyay ka dib markii uu shirka soo idlaaday.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Madeira ayaa ka wada hadlay horumarada laga gaaray qeybaha amniga,gaar ahaan waxay si aad ah diirada u saareen deegaanadii dhowaan ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ee Sabiib iyo Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

” Tani waxay ku tusuineysaa tayada ciidamada (SNSF) ee hubinaya in dadka Sabiid iyo Bariire iyo in hantidooda la ilaaliyo oo aysan jirin jid-gooyooyin sharci-darro ah oo aan lahayn canshuur sharci-darro ah ama meel ka dhac lagu sameeyo,” ayuu yiri Ambassador Madeira.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira. iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka.

HORSEEDMEDIA