golis

Wasiirka Arrimaha Dibada Norway oo Muqdisho Timid

Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa maanta booqasho ku timid magaaladda Muqdisho, halkaasi oo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ay ku dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa soo dhawaynta kadib, waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, waxaa ay sheegtay in weli Soomaaliya ay haystaa caqabado hase yeeshee ay horumar muuqda ay ku tillaabsatay, jiilka cusub ee dalka uu soo kacayna ay rajo cusub abuureen.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, barnaamijyada horumarinta iyo bini’aadninimada, Sidoo kale shirkado shidaal oo laga leeyahay Norway ayaa heshiis la galay dowladda federaalka Soomaaliya

HORSEEDMEDIA