golis

Hay’ado KAALO oo Tababar u Furtay Qaxooti ku Nool Boosaaso-SAWIRO

Hay’ada Kaalo ayaa magaalada Boosaaso tababar ugu Daahfurtay ku dhawaad 30 qof oo ka mid qaxootiga ku nool Magaalada Boosaaso ee kasoo jeeda Wadamada Ethopia iyo Yaman waxaana tababarkan maalgelinaysa Hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR.

Tababarkaan ayaa ujeedadiisu tahay sidii qaxootiga loo bari lahaa xuquuqiyaadkooda aasaasiga ah iyo habkii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda dadka ay la noolyihiin sida uu sheegay Cabdicasiis Saciid Maxamed oo ah madaxa Hay’adda KAALO ee gobolka Bari.

Madaxda ka qeybgashay daahfurka Tababarkan ee ka kala socotay Hay’adda UNHCR iyo KAALO ayaa sheegay in markasta ay muhiim tahay in xil la iska saaro sidii loo sugi lahaa xaquuqda dadka qaxootiga ah iyo sidii loo bari lahaa xuquuqdooda aasaasiga ah iyadoo laga hortagayo tacadi ama dhibaato soo gaarta dadka qaxootiga ah.


Tababarkan ayaa socon doona muddo sadex casho ah waxaana inta uu socdo qaxootiga lagu siin doonaa casharo iyo tababaro ku aadan habka ugu sahlan ee ay ula noolaan karaan dadka kale iyo macnaha iyo asbaabaha uu qof u noqon karo qaxooti ku noolaada wadan kale oo aan ahayn kiisa.

Hay’adda Kaalo ayaa mudooyinkii ugu danbayeeyay magaalooyinka Puntland ka waday tababaro iyo qorshayaal kala duwan kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin sidii loo sugi lahaa xaquuqda dadka magan galyo doonka ah iyo kuwa qaxootiga ah.

Horseed Media 2019