golis

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Booqday Degaanka Af-urur [SAWIRRO]

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay booqday Af-urur, halkaasi oo Labo Maalmood ka hor ay ciidamada Puntland ay dib ula wareegeen ka dib markii muddo kooban ay haysteen Kooxda Alshabaab

Safarka madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgal xaaladda deegaanka iyo ciidamada, waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka amniga Puntland , Wasiirka xanaanada xoolaha iyo guddoomiyaha gobolka bari

Weftigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawaynayay odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Madaxweyne Ku-xigeenka wuxuu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Dhamaadkii bishii hore ee May ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland waxa soo baneeyay ee saldhiyadii ay ku lahaayeen degaanka Af-urur, halkaasi oo qabsadeen kooxda Alshabaab. Ciidamada ayaa dalbanayay in la siiyo musharaad ka maqnaa.

HORSEEDMEDIA