golis

Gollaha Wasiirada oo Meelmariyay Heshiisyada Dhaqaale iyo Maalgashi ee Soomaaliya iyo Qadar

Shirkii gollaha wasiiradda xukuumadda federaalka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali  Khayre ayaa lagu meelmariyay Heshiisyada dhiirri gelinta  iyo ilaalinta maal-gashi  iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Heshiiska waxaa golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Federaalka.

Shirka waxaa kaloo looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalmaha xorriyadda dalka iyo midnimada ee 26 june iyo 1 July, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay  ka shaqaynta munaasabadaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.Golaha ayaa meel mariyay .

HORSEEDMEDIA