golis

Somaliland oo soo Bandhigtay Tirada Ajaaniibta Ku Sugan Somaliland ee La Diiwaangaliyay

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ah Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland ayaa sheegtay in sanadkii 2018kii ay diwaangaliyeen Ajaaniib ka badan 15 kun oo qof oo ku sugan Somaliland.

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ah Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland

Wasiirka oo warbixin siinay shirka gollah wasiiradda Somaliland ee khamiislaha ayaa sheegtay in wasaaradu ay ruqsad ogolaansho shaqo ay siisay 212 oo ka mid ah ajaaniibta Ku sugan Somaliland.

Wasiirku, wuxuu xusay in shaqaalaha ruqsada shaqo la siyay looga maarmi waayay xirfadooda shaqo oo ay tilmaamtay inaysan qaban karin muwaadiniinta

Gabagabadii, Wasiirku waxay golaha horkeentay qabyo-qoraalka xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si kal-fadhiyada danbe loogu meel mariyo xeerkaasi.

HORSEEDMEDIA