golis

Muqdisho:Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu wareejiyey Guri muddo 28 sanno ka maqnaa

Eng.Cali Maxamed Baare oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo lahaa mulkiyadda Guri muddo 28 sanno looga haystay Magaaladda Muqdisho, waxaana ku wareehiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) ayaa muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey Guri uu lahaa oo laga haystay muddo 28 Sano ah.

Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa , ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo Adduunba sugaysa Dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

“Cidna si sharci darro ah uma haysan karto muwaadin kale hantidiis, maamulkan tan iyo markii aan nimid waxaan ku guuleysannay soo celinta hanti ay lahaayeen muwaadiniin, kuwaas oo Dadkii haystay ay si mutadawicnimo ah usoo wareejiyeen, balse arrinta maanta waa ay ka duwan tahay oo maxkamad iyo xabsi ayey gaartay.”

Eng; Yariisow ayaa sheegay in muwaadinkii gurigan sida sharci darrada ah u haystay oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska la horkeenayo Maxkamad, lana marsiin doono hannaanka sharci ee uu mudnaa.

HORSEEDMEDIA