golis

Dil Wadareed Ka Dhacay Galkacayo

Rag hubaysan ayaa xalay 9 qof ku dilay koonfurta Magaaladda Galkacayo ee gobolka Mudug, dilkan ayaa ka dambeeyay markii Koox ku hubaysan bastoolada ayaa xalay fiidkii ku dileen Magaaladda Cali Tahliil Cadceed oo ahaa sargaal katrsan Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, gaar ahaan qaybta qaabilsan Galmudug.

Dil wadareedkaas ka dhacay magaalada Galkacayo ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay labo qof oo kale.

Dadka la laayay ayaa dhammaan ka soo jeeda Maamul goboleed Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Ciidamada amniga Galmudug ayaa bilaabay inay baadigoobaan kooxihii ka dambeeyay Dilka 9 qof

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhacay degaanada maamul goboleedka Galmudug, iyadoo toddobaadkii hore lagu dilay 4 qof, kuwasoo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xaaf ayaa weli ka hadlin dilalka lala beegsanayo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed

HORSEEDMEDIA