golis

Barlamaanka oo Guddi u saaray shaqaaqooyinkii Ka Dhacay Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudi u saaray baaritaanka shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-marreeb ee Galmudug,kaasi oo ka kooban 13 xubnood.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay soo baaraan xaqiiqooyinka falalkii lagu dilay 14 qof oo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.

Waa markii u horraysay ee guddoomiye Barlaamaan uu guddi u saaro shaqooqo ka dhacday goboladda dhexe ee Dalka.

HORSEEDMEDIA