golis

EGYPT: Madaxweynihii hore Maxamed Morsi oo Geeriyooday!

Telefishinka Dowlada Masar ayaa maanta oo Isniin ah baahiyey inuu geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Morsi oo xabsiga ku jiray tan iyo sanadkii 2013 markii xilka looga tuuray inqilaab Militari.

Maxamed Morsi oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Masar oo si dimuquraadi ah loo doortay ayaa la sheegay inuu dhintay xili uu ku sugnaa Maxkamada, sida uu sheegay telefishinka dowlada oo hoos taga nidaamka Militariga dalkaasi.

Ma jiraan hay’ado madax banaan ama saxaafad ku sugneyd maxkamada, waxaana sidoo kale horey loo ogeyn in maanta maxkamada la horgeenayey Morsi oo horey looga deyriyey caafimaadkiisa.

Hay’adaha Xaquuqul Insaanka iyo waliba qaar kamid ah Siyaasiyiin reer Yurub oo dhawaan xabsiga ku booqday Madaxweynihii hore ayaa ka deyriyey xaalada uu ku sugnaa Morsi iyo goobta lagu hayey.

Madaxweyne Morsi ayaa intuu xabsiga ku jiray sheegay in marar badan la isku dayey in la dilo, iyadoo shaki weyn laga qabo qaabka geeridiisa maanta la shaaciyey iyadoo aan xog dheeraad ah weli lahayn.

Horseed Media