golis

UK: Boris oo diiday inuu ka qeyb galo doodii Murashaxiinta Raysalwasaaraha

Murashaxiinta u tartameysa hogaanka Xisbi Xaakimka UK iyo Raysalwasaaraha ayaa xalay ka qeyb galay dood si toos ah telefishinka looga baahiyey, walow uu doodaasi ka qeyb gelin murashaxa ugu horeeya loolanka Boris Johnson.

Shan kamid ah murashaxiinta ka dhex tartameysa xisbiga xaakimka Conservative Party ayaa ka qeyb galay doodan laga baahiyey telefishinka Channel 4, qodobka ugu muhiimsan ee doodan ayaa ahaa sida loo xalin doono Mushkilada Brexit ee sababta u noqotay inay xilka iska casisho Raysalwasaare Theresa May.

Boris Johson oo horey usoo noqday Duqii magaalada caasimada ah ee London ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii horseedka u ahaa ololaha Brexit iyo in dalka UK isaga baxo Midowga Yurub ahna murashaxa la sheegayo inuu hada heysto taageerada ugu badan ayaa ka gaabsaday inuu ka qeyb galo doodii xalay, arrintaasi oo ay si wey ugu cambaareeyeen murashaxiinta kale oo sheegay in Boris uu ka cabsanayo inuu waji-gabax kala kulmo dooda.

Boris Johnson

Balse Boris ayaa sheegay inuusan ka qeyb gelin dooda maadaama sida uu sheegay shacabka UK ay ka daaleen dooda siyaasadeed ee labadii sano ee lasoo dhaafay ka socotay wadankaasi oo xal u waayey ismarin waaga ka taagan qaabkii wadanka UK uga bixi lahaa Midowga Yurub.

Horseed Media