golis

Deni oo Maamul Cusub u Magacaabay Degmada Burtinle

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle.

Wareegtada ayaa sidoo kale Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Buurtinle.

Wareegto kale oo ka soo baxday xafiiska madaxweynah saaka subaxnimadii ayaa lagu kala diray Maamulkii Degmadda Burtinle ee gobolka Nugaal ka dib markii Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Puntland ay ku talisay in la kala diro gollihii degaanka ee Degmadda.

Gollaha degaanka ee degmadda ayaa la dhisay xukuumadii hore ee madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

HORSEEDMEDIA